Posts

Gobolka Gardafuul (Gaurdafui) oo Si Rasmi Ah loogu daray Gobolada Puntaland


Waxaa Maantay si rasmi ah Goloha wakiilada Puntland kalafadhigoodii 30-aad ay ansixiyeen Gobolka Gardafiil (Gaurdafui) oo noqonaaya gobolkii 9 aad ee gobolada uu ka kooban yahay Maamul Goboleedka Puntland

Xubnaha iyo gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay in gobalka Gardafiil uu ku soo biiro sideeda gobalka ee Puntland Iyadoo xarunta Hoolka Baarlamaanka Puntland uu ku leeyahay Magaalada Garoowe uu ka soconayo Fadhigii 30-aad ee xubnaha golaha wakiilada puntland islamarkaana ay kaga doodayaan Mooshiinada Horyaala ayaa waxaa durbaba soo baxayay ansixinta qaar ka mid ah qodobada Miiska u saran xubnaha golaha wakiilada.

Fadhi uu shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashid Maxamed Xirsi oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenadiisa isla markaan ay ka qeybgalleen in ka badan Afartan xubnood waxay ku ansixiyeen in gobalka Gardafuul uu ka mid noqdo gobolada Puntland.

Gudi ka Kooban todobo xubnood oo ka mid ah golaha wakiilada Puntland oo loo xilsaaray Mooshin kusaabsan ka doodista gobalkaasi cusub aya gudooomiyaha Baarlamaanka Puntland u gudbiyay codsi ku saabsan in gobalkaasi la ansixiyo uuna ku soo biiro gobolada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlayay Arinta Ansixinta gobalkaasi cusub ayaa xubnaha golaha wakiilada ka codsay In cod gacan taag ah loo qaado Ansixinta gobalkaasi,iyadoo inta badan xubnaha golaha wakiilada isku raaceen gobalkaasi.

Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Baargaal.net waxay u hambalyaynaayaan dhamaan Shacabk Gobolka Cusub ee Gardafiil iyo dhamaan umada Puntland ayagoo u rajaynaa in Gobolkaas qayb wayn Ka qaato Horumarka Deeganadaas

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain