Howlaha uu qabanayo xafiiska cusub ee UNSOM ee Soomaaliya qaabilsan

Warsaxaafadeed lagu faahfaahinayo howlaha xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa shalay la soo saaray, waxaana lagu sheegay warsaxaafdeedkaasi in howlgalkan cusub ee Soomaaliya UNSOM howlaha uu qaban doono ayka mid noqon doonaan gacan ka geysashada iyo bixinta taageero siyaasadeed oo la siiyo dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiiska UNSOM ayaa si xoog leh diiradda u saaraya ka shaqeynta dhinacyada hormarinta deeqaha caalamka, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo sidoo kale ka hortagida kufsiga loo geysanayo habweenka iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira sida warsaxaafdeedka lagu sheegay.

Xaafiiska UNSOM ayaa si dhow u la shaqeyn doona sida la sheegay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo iyaga ciidamada dowladda Soomaaliya aydagaal kula jiraan ciidamada Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, dagaalkaasi oo socda illaa 7-dii sano ee la soo dhaafay, waxaana shalay Muqdisho soo gaaray ergo hor u dhac u aheyd xafiiska UNSOM.

Sida warku sheegayo maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa inuu yimaado magaalada muqdisho ergayga Qarmada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo sidoo kale lagu wado inuu maanta xilka si rasmi ah ugala wareego wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qabilsanaa arrimaha Soomaaliya Augostiine Mahiga kaasoo isna uu xilku kaga egyahay maanta oo isniin ah, taariikhduna ku beegantahay 3-da bisha June.

Baargaal .net
News desktop
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain