Olole Balaaran oo ay waday Wasaarada xanaanaha Xoolaha Puntland oo Degmada Baargaal laga fuliyay

Waxaa Maantay Degmada Baargaal iyo deegaanada kale ee hoosyimaada ku soo gabagaboobay olole balaaran oo ay Wadeen gudiyo ka socday wasaarada xanaadada xoolaha ee Puntland oo lagu Talaalay , laguna daaweeyay Xoolo badan

ololaha oo ay wadeen gudiyo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad ayaa waxay Xoolo isugu Jira geel iyo ari ay ku talaaleen Deegaanada Baargaal , Muudiye, Taageer,Qoraxaad iyo Tuulooyinka hoos yimaada

Shir lagu qabtay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal oo uu ka qayb galay agaasiimaha Guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dacar Xareed , maamulka degmada iyo ergo kasocota Xoolo Dhaqatada ayaa looga hadlay barnaamajka talaalka ayadoo ay aad u soo dhaweeyeen xoolo
dhaqatadu talaabadaas
C/rashiid Xaashi Carab oo ah hawl wadeenka Gudigan oo ka hadlay barnaamajkooda ayaa sheegay in xoolo badan ay ka soo talaaleen cudurada Furuqa iyo Jadeecada deegaanadii ay soo mareen .

mudane C/rashiid ayaa intaas ku daray in ay yimaadeen dhul xoolo badani joogaan , asagoo dadka deeganka ku amaanay sida ay ugu qanacsanyihiin ahamiyada ay leedahay in xoolohooda loo daaweeyo

Mudane C/rashiid ayaa sheegay in Gudigoodu u isii talaabi doono dhanka Caluule oo uu codsi badani ka jiro , waa sida uu hadalka u dhigaye

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain