Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Shuruudo adag ku xiray in Muqdisho la keeno iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Cadaado waxa ka socda

Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in shalay ilaa xalay halkaasi ay kasocdeen
Wadahadalo xasaasi ah oo sadax geesood ah kuwaa oon wali natiijo la isku raacsayan yahay aysan kasoo bixin maantana loo balan san yahay in halkoodii kasii socdaan wadahadalada.


Sheekh xasan Daahir Aweys ayaa shuruudo adag ku xiray Xubno shalay Muqdisho ka tagay oo gaaray Magaalada Cadaado kuwaa oo kala hadlaya Xasan Daahir Mustaqbalkiisa iyo sida arintiisa xal looga gaari lahaa Muqdishana looga soo dajin lahaa si Dowlada gacanta loogu galiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Shuruudaha uu keenay waxaa kamid ah in aan Muqdisho loo dhoofin oo Qadar la geeyo hadii taasla waayana uu doonayo Muqdisho hadii uu tago in uu noqdo nin xur ah oon cidna loo gacan galin sidoo kale uu Magaalada sidii doono ugu noolaado lana siiyo ciidamo gaar ah sidoo kale loo ogolaado in uu dib usoo nooleeyo Ururkiisa Xisbul Islaam. Waxa sidoo kale Xasan Daahir soo jeediyay Shuruudna ka dhigay wadahadalada uu Dowlada Federaalka Soomaaliya la galayo in Muqdisho aysan ka dhicin oo dal Sadaxaad lagu qabto si uu gor gortan siyaasadeed uu ula galo Dowlada Federaalka .

Xubnaha uu Hogaaminayo Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Sheekh C/Qaadir Cali Cumar ayaa ku qancinaya Sheekh Xasan Daahir In marka hore Warbaahinta la hadlo uuna cadeeyo Mowqifka uu ka qabo shabaabkii uu katirsanaa uu kasoo cararay kadibna Muqdisho laga soo dajito si Dowlada iyo Umada Soomaaliyeed uu cafis u weediisto maadama uu kasoo qeyb qaatay dagaalo dalka iyo dadkaba wax badan oo qasaaro ah gaarsiiyay.

Wadahadaladii shalay ilaa xalay kasocday Magaalada Cadaado ayaanwali wax natiijo ah kasoo bixin waxaana la filayaa in maanta wadahadalada ay halkoodii kasii socdaan si arinta Xasan Daahir oo Culees badan ku haya Maamulka Ximin iyo Xeeb loo soo gaba gabeeyo.

Shabakada baargaal media
Wararka goortay dhacayaan
Developed by Jago Desain