Sheeko Xiiso Badan: RUN IYO RAGANIMO AYAA RAANDHIIS LEH!!



 
Waxay aheyd xili Gu ah Geelluna uu si fiican u dhalay, dhulku waa cagaarnaa, waxaana dhegahaaga ku soo dhacayey codadka kala duwan ee Shinbiraha, goortu waa fiid cawl, golihii geella ayaanu joognaa , sida caadadu aheyd waa in la caweeyaa si cabaar ka dib loo maalo geela. Dhalintu waa badneyd kaftanka iyo haasaawuhu waxay ahaayen labada shay ee qudha ee aanu haynay.

Ta ILLAHAY ayaa qornayde waxaan dacaayadiyey Nin odhan jiray Xasan gaab oo aanu aheyn kaftan wadaag aan kala xanaaqin. Marka qadarku adeegayo wax baajin karaa ma jiraane, Xasan markii aan cabaar dacaayadinaayey ayuu Toorey iska soo jaray oo igu waab- waabiyey isagoo igula faraka- ciyaaraya, aniguna si ciyaayil ah ayaan teydii ula soo baxay. Waxaanu cabaar isku waab- waabinoba,waxaan arkay Xasan oo dhulka yaal si ay ugu dhacdeyba ma xasuusto. Tooreydii ayaa igaga siibatey. markaanu is nidhi soo qabta waaba meyd.

nafi waa macaane cagahaba goor aan wax ka dayey maan ogeyn. Ileyn naxdin looma dhinto, talo ayaa igu cadaatay, war maxaad yeeshaa? Maantaba ma ninbaad dishay? Tallow ma ka danbeyneysaa? Oo sidee ayaad uga danbeyneysaa nin la dhashay todoba wiil oo wada gaashaan qaada. Waxay ahaayeen kalmadihii markiiba maskaxdeyda ku soo dhacayey.

Hadal yaanan kugu daaline afar caano-maal markii aan dhuumanaayey anoo saaran Geed Qudhaca guudkii ayuun baan nafteyda la sheekaytay oo iminka xagee aadaa!!Orodoo Magaalo aad , oo ma Magaalaad garaneysaa meel ay kaa xigtaba, intaad indhaba kala qaadey Geel uun ayaadba daba joogtee,hadaa dee miigaaga ku dhuumo, oo ma ku qarinayaa.War orodoo is dhiib ileyn ninka ogaan uma dilin kamah ayey aheyde. Waxaan rogrogoba talo taas ayey dhaafi weydey.

Calool adeyg waa Alle wehelkiiye goor aan dhaqaaqeyba garanmayo.Goor ay aheyd markhib hortii oo markaa meerisyada Xoolaha dhamaantood la soo wada xereeyey ayuun baan dhanka cadceed ka soo baxa kaga imi xaafadii Xasan gaabyo. Markaa waxaa xaafada jooga Aabe Cumar oo ah Xasan gaab aabihii iyo Hooyo Canab iyo laba Gabdhood oo ay Xasan wada dhasheen mid waxaa la odhan jray Caasha, Ilaahay haw naxariistee midna waxaa la yidhaada xaliimo, Aadan, Geelle Gurey iyo Jibriil, oo ay xasan walaalayihiin iyo Keyse oo la ilmaadeera.Dad kale oo badan oo dumar u badan ayaa iyana meesha joogey oo reerka u tacsideynaya.

Mar alle iyo markii indhaha leyga qaadey ayaa dumarkii baroor isku dareen halka Geelle Gurey uu isna la soo boodey qori Reyfal ah. Nasiib wanaag waxaa markiiba isku duubay Aabe Cumar oo qorigii ka qaadey.Anigana i fadhiisiyey ardaa guriga ka yar go’an. Ardaagii ayuu Aabe Cumar iigu yimi, iguna wareeyey, aniguna waan u waramey sidey wax u dhaceen . Iminkana ay talo sidaa igu tidhi yeel,” inaan isu soo kiin dhiibo” ee idina ka tashada sidaad iga yeeli lahaydeen ayaan hadalkeygii ugu soo gunaanadey.Markaan hadalkeygii dhameystay ayuu Aabe Cumar cabaar fakaray, waxuuna uu u yeedhay Inan ka mida ah inamadiisa iyo inankii uu aderka u ahaa ee kayse, wuxuuna uu ku amray in ay gogosha iyo cashada halka ugu keenan isaga iyo anigaba.Habeenkii halkaa ayaan iska jeefsanay indhase isuma keenin,

aroortii markii uu waagu baryeyna ayaa Aabe Cumar xagaa iyo guriga iga aadey, waxaana Ardaagii iigu yimi khadar oo inamada ugu yaraa, gogoshii inta uu ii qaadey ayuu, ii geeyey Geed Keynta dhexdiisa ah Shaah iyo Caanona waa ii keenay, wuxuu igu yidhi Aabe waxaa uu ku yidhi Geedkaaga iska hadhso talo ayaanu iskula maqanee.

Marba marka ka siidanbeysa ayaa naxdintu igu sii badaneysay, jaqaftii soo baxdaba waxaan is lahaa tallow ma kii ku dili lahaaba. Markii la tukadey Salaadii Duhur ayaa waxaa ii yimi Aabe Cumar oo uu la socdo Keyse oo Hilib sida, hilibkii ayaa ley dhigay.In kastoo sidii gobeed ley sooryeeyey hadana mar kasta oo waxa ley siiyo waxaan is lahaa waa Dhuuni. Waxaa halkaa ka bilowdey Sadex Cisho iyo Sadexdoodii Habeen oo aan Maalintiina Geedkaa gogosha ley dhigaayey Habeenkiina aan seexanaayey Ardaagii ka gonaa guriga.

Maalintii Sadexaad goor ay cadceedu tahay casar dheere ayaa waxaa Geedkii iigu yimi Aabe Cumar iyo Nin Sheikha. Sadexdayadii ayaa isa sooraacney, oo nimi gurigii. Aabe Cumar ayaa markaa isugu yeedhay Reerkiisii kana codsadey in ay icafiyan iyana waa ay isaamaxeen. intaa ka dib ayaa Aabe Cumar iisheegay aniga in uu xaafada fahansiiyey in qadar alle meesha ka adeegay ayna iminka taas ku qanceen ,aniguna aad ayaan arintaa ugu farxay , waxaana uu intaa iigu sii daray in uu doonayo in uu labadiisa Gabdhood, Gabadha weyn ee Caasha igu daro anigu waan aqbaley ugana mahad celiyey.labo shahuud ayaa loo yeedhay, markiiba waxaa ley meheriyey gabadhii.Isla habeenkiba waxaa leysoo wareejiyey Caasha, waxay aheyd qof ILAHAY qurux u dhmeeyey midabkeedu waxaa uu ahaa maarin dhalaal,dhexdeedu taako, hadal kuma sifey karee waxay aheyd Geenyo. Isla habeenkii markii aanu muraadney in aanu iska maalo caanaha ku kala gaaxsan guudkayaga, ayaan damcay inaan godob ka kaga jaro Tooreydii. haw qaadin laheydaa! Taladu taada maahe waa ta Allee mindhaa halbowle ayaanba inantii jaray, dhiig soo boodey iyo qayladii Caasha ayaanba isugu kay xigay.Dhiiga badnaantiisa markaan arkay ayaan xagaa iyo xaafadii u qeylo tegay, sow noqod kayagii inantii nafba ku maanaan soo gaadhin. Tanina mey sugeysay!! naxdintii ayaanba dhulka ku dhacay miyirba markii ayaa igu danbeysay.Waxaan miyirsadey iyadoo Khadar yare uu idul joogo,markan indhaha sidaa u kala qaadey ayuu Khadar igu yidhi kaalay inanta bud dhig adaa lagula sugayee.

Intaan soo luudey ayaan imi qabrigii oo inantii bud dhigay. Xabaashii markii aanu ka nimi ayaa Aabe Cumar ii yeedhay, waxuuna ii sheegay in uu doonayo in uu Xaliimo igu daro waxaan hadalkiisi ka sii xasuusta “waxii tegay ha soo xasuusan iminka waxaan doonaya in aan inanta kale ee Xaliimo kugu daro” intastoo aan cabaar aan aamusay hadana wax kale oo aan falo waan garan waayey sidii ayaan ku ogolaadey. Xaliimo ayaana lay meheriyey . Xaliimo qurux iyo qiimo cid loo dhigaa ma jirto sidii ayey ku noqotey xaaskeygii. Aduun safar ayaa lagu yahee Aabe Cumar waa xijaabtey inamadiisiina waa iska kala guursadeen oo ninba reerkisa ayuu maamushay, Hooyo Canabna dadii ayaa ka dabo timi, markaa ayaa gabadheedii Xaliimo soo qaadey.

Saben danbe oo jiilaal xumi nagu habsadey ayaa Hooyo Canab xanuunsatey, Xaliimona waa umushay, ooshuna waa guurey oo wey doog raacen anaguse ma guuri kareyn, xaaladahaa jiray awgood abaartii ayaanu iska naaley. Maalintii danbe anoo labo caana-maal dhaan soo dhalan-dhooliyey ayaan gurigeygii goor aroor hore ah ilinta iska soo taagey. Xaliimo ayaa markaa ii sheegtay in Hooyo hada naftii ka baxdey. Ooshii waa tii doog raacdey, dani waxay i tidhi kaligaa xabaasha qod isla arootii ayaan bilaabey qodista xabaasha waxaan dhameeyey goor casar dheer ah.Gurigii ayaan dib ugu soo noqday si aan meydka ugu qaato Dameer. Markaan meydkii dul geeyey xabaashii ayaan waxaan arkay iilka dhexdiisa oo kurtin yar oo ciida oo ku yaal. Xabaashii ayaan u dhacay si aan kurtin ka uga jaro dabadeena iilku u sinmo. Intaan ku mashquulsanaa simida Iilka ayaa Dameerkii oo aanan m eydkii ka dhigin tegay. Markaan xabaashii ka soo baxay mise dameerkii maba joogo.

Baadindoonkaan bilaabey waxaan wado goor ay aheyd cishe dabadii ayaan helay dameerki oo aan meydkii saarneyn.Waxaan doondoonoba meel uu dameerkii ku tuurey meykii Islaanta waa ka quustay, goor ay aheyd waaber ayaan go’aansadey inaan iskaga tago. Waayo? Meydkii waan waayey, daala waxaan la ahaa bastey. Dabadeed inta aan orday ayaan waxaan is idhi dameerkii oo aan meel ku xidhay markaan helay ka xayso oo guriga iska aad, nasiib xumo halkii dameerku iigu xidhnaa waxaan ugu tegay raqdii dameerka inta an raadinayey meydkii ayaa Waraabe cunay. gurigii ayaan iskaga noqday islaanteydina waxaan u sheegay sidey wax u dhaceen.

Inkastoo xaliimo ay ku adkaatay arintii meydkii hooyadeed oo arintu nagaba gaadhey khilaaf iyo in ay Gacan-kahal igu sameyso aniguna aad ayaan ugu dedaalay in aan qanciyo xaaskeyga samir iyo dulqaad badan oo aan sameeyey aakhirkii waxay ila dareentay xaaladu sidey iigu cusleyd. maalintaa ayaa xaliimo iga codsatey inaan nolosha miiga bedelo oo aanu tuulo nagu dhoweyd u guurno ana codsigeedii ayaan u tix galiyey .` Intii xoolahayga iibsameysayna waan iibiyey intii kalena reero ayaan u dhiibey, miigiina waan ka soo guurnay.

Akhriste waa sheeko mala- awaala oo aan anigu maskaxdeyda ka sameeyey lagana korodhsan karo faa’iido badan.

Deeq Caynab Cali

Developed by Jago Desain