Posts

Yemen: “cudurka dabeesha waxa uu nooga imaaday dalka soomaaliya”

Cudurka dabeesha ayaa la ogaaday in uu ku baahayo dalka Yemen oo ayku sugan yihiin dad badan oo Soomaali ah cudurkaasi oo naafeeya dadka gaar ahaan caruurta.

Iyadoo uu cudurkaasi ka jiro dalka Yemen ayaa dowladda wadanka Yemen waxa ay sheegtay in cudurkaasi uu uga yimid dalka Soomaaliya.


Wariyaha VOA ee dalka Yemen Jacfar Kuukaay ayaa sheegay in dowladda yaman ay rumeysan tahay in cudurka dabeesha ay keeneen Qaxootiga Soomaalida ee galaya dalkaasi kuwaasi oo dowladda ay sheegtay in ku faafiyeen dalka.


Cudurka Dabeesha ayaan horay uga jirin dalka Yemen, waxaase hada dalkaasi ku baahaya cudurkaasi oo Soomaaliya dad badan ay ugu naafoobeen oo caruur u badan.


Wali kama aysan hadlin Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen iyo sidoo kalaba dowladda Soomaaliya.


Shabakada Baargaal.net
Wararka soomaaliya
Developed by Jago Desain