Dowladda Britain oo mamnuucday qaadka Xukuna ku Riday qofkii gadaya in lagu Xukumo xarig dhan, 14 sano

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay ka mamnuuceyso dalkeeda Qaadka oo ay isticmaalaan Soomaalida iyo dadka u dhashay yemen iyo Itoobiya ee ku dhaqan Uk.

Xoghayaha Arrimaha gudaha Britain Teresa May ayaa sheegtay in Qaadka laga mamnuucayo dalka, iyadoo go'aankeeda uu ka hor imaanayo gudi loo saaray arrimaha qaadka inay ka soo tala bixiyaan oo bishii Janaayo diiday in la mamnuuco.Teresa May ayaa sheegtay in dhibaato caafimaad uu Qaadka ku haayo bulshada kala duwan.

Tallaabadan ka soo baxday dowladda Britain ayaa waxay saameyn ku yeelaneysa Soomaalida ku dhaqan dalkaas oo lagu tilmaamo kuwo ugu cunista badan Qaadka. Britain ayaa waxaa soo gala Soomaalida ku dhaqan dalalka Yurub ee laga mamnuucay qaadka, waxaana bartamaha magaalada London ka jira goobo ay ku kulmaan muqayiliinta.

Qaadka ayaa waxaa uu mamnuuc kayahay dalal badan oo ku yaal qaaradda Yurub iyo weliba dalalka Canada iyo Mareykanka.

Shabakada Baargaal Net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain