Hambalyo... Hambalyo .. Xaafada Sandhuubo Baargaal oo wareegii Labaad ee barnaamajka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii sadexaad soo bandhigtay wacdaro aqooneed Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo barbardhac lagashay xaafada Xaafatu al carab ee Boosaaso

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyo Xaafatu al carab Boosaaso ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su'aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada sandhuubo Baargaal oo la timid 16 Dhibic halka xaafada kale ee Xaafatu al carab boosaaso oo la timid 16 Dhibic, waxaana sidaasi ay natiijadii ku dhamaatay 16-16

sidaas waxay Xaafada Sandhuubo Baargaal ku aruursatay 47 dhibcood oo ka dhigtay xaafadii ugu horaysay ee xaafadaha Puntland ee sanadka ka qaybgalaaya tartanka ee usoo gudubta wareega labaad

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee usoo gudway wareegii sideeda xaafadood

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain