MAANSO : DHEX MAR

 

Waxa in mudo ah degaanadan ka jiray khilaaf salka ku haya siyaasad aan lagu wada socon oo dadka qaarkiis la dhacsanaayeen qaarna u arkayeen in ayan ka tarjumayn baahida dhabta ah ee degaanka isla markaana ay tahay dabayl waqti leh oo isbedelada soomaaliya ka jira ka mid ah waqtigeeduna yar yahay.

cid kastiiba teeda ha u ahaatee siday ahayd waa lala dhaafay oo meeshii waayaha loo dayn lahaa iyo taariikhda dantana loo wada duubnaan lahaa waxa ay gaartay in la isku naco oo la isu soo fariisan waayo oo dantii biya kama dhibcaanka ahayd lagu kala tago.

Maansadaan yar ayaan ku cabiray anigoo dhiirigelinaya inta samaha ka shaqaynaysa inay u dhabar adaygaan oo wanaaga wadaan:


Amarkaan dhacay ee dadkii kala ufoonaayo.
Ee ubadki iyo ooryii la qabay loo arimin waayay.
Een aarankiyo odayadii kala aqoon waynay.
Agab beelka uurxumada iyo arag nacaan jooga
Ergadoo la diiday iyo talada oo laysu iman waayay
umuurihii horuu dhacay waxii aadni kaga xaalay.
Arinta maanta taal iyo waxay ku intihoonayso
Aayaha waxa laga xigsaday amar ku taaglayne.
Aqoontaa wanaag kugu hagtood abid u aydaaye
Haba lagu adkaystee xumuhu aayar buu hari
Ikhtilaafku waa jiray tan iyo aabihii hore e
Danta lagu akeekamahayaa aafo sow ma aha
Qof anaaniyadi iyo tolnimo waa laba umuuroode
Anaa tayda diideen ninkii cid u inkaaraaya
Waa iga ilaah waa inan awr ka dheeliyin
Ka ufooda xumahoo samaha abidkin taageera
Una dhabar adaygoo ogaal horay u sii aada
Nin ilaah agtiis nabad ka ah iyo eedi waa labo
Alaaba waa wanaag uu unko iyo xal u ambeeyaaye
Ninkii eed ka cararaan ardaa oodan oo degine

Qore : Maxamed Muuse Axmed
Xigasho :Shabakada Han iyo Hanaan oo uu qoraagu ku uruuriyay Qoraaladiisa

Daabacaad :Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain