Saraakiil Mareeykan iyo British ah oo maanta su’aallo weydiiyay Xasan Daahir

Warar hoose oo aan ka heleyno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Saraakiil kasocota dalalka Mareeykanka iyo Ingiriiska ay maanta wareysiyo la yeesheen Xasan Daahir Aweys oo haatan ku xiran Xabsiga Nabad Sugida ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si dhab ah loo shegi karin waxyaabaha ay su'aaleen shiikha, ayaa hadana waxaa jirta in doowlada mareeykanka ay horay liiska Aragagixisada ugu dartay Xasan Daahir Aweys, kaasoo mudo soo jabhadeeynayay kana tirsanaa kooxda Al-shabaab oo kamid ah garabyada Urur weynaha Al-qacida.

Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horey u fasaxay odayaasha magaalada Cadaado ka doonay Xassan Daahir Aweys waxayna dowlada u kireysay diyaarad iyadoo kusii dartay tiro askar ah oo ka socda dowlada Federaalka kuwaasi oo magaalada Muqdisho keenay Xassan Daahir Aweys iyo raggii la socday.

Xafiiska Wararka shabakada baargaal.net
Baargaal- gobolka gardafu
Puntland state of somalia
Developed by Jago Desain