Urur Siyaasadeedka HOR-CAD oo cududiisa Taageero ku muujiyay isu soo bax ka dhacay Baargaal

Boqolaal dadweyne ah oo taageersan urur Siyaasadeedka Hormar iyo Cadaalad ee marka magiciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan HORCAD ayaa maantay isu soo bax balaaran oo ay ku muujinaayeen cududa iyo taageerada ururka Horcad Ka sameeyay Magaalada Baargaal

Dadweynaha oo watay boorar ay kuqoran yihiin halkudhigyo ay ku taageerayaan ururka ayaa Socod kusoo maray waddooyinka Waawayn ee Magaalada kuwaasi oo ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ku taageerayaan ururka.

C/wali Maxamed Saalax oo ka mid ah xubnaha u sharaxan Xilka Gudoomiyaha  degmada Baargaal ee ururka HOR-CAD oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in ururkoodu uu door muhiima ka qaadanaayo arimaha Bulshada wuxuuna ka codsaday taageerayaahsa ururku in ay codkooda siiyaan.

Waxaa kale oo ka hadlay isu soo baxaas C/qaadir Maxamed jaamac oo u sharaxan xilka gudoomiye ku xigeenka degmada baargaal  ee ururka HOR-CAD oo asna aad ugu warbixiyay barnaamajka ururkooda iyo waxay damacsanyihiin haday helaan kalsoonida bulshada deegaanka 

Waxaa kadib hadalka Qaatay C/kariim C/laahi Xaaji oo ka mid ah xubnaha  u sharaxan Xildhibaanimada  Golaha deegaanka degmada Baargaal ee ururka HOR-CAD oo la hadlay  dadweynaha ayaa sheegay  in ururkoodu uu door muhiimasiinaayo qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ardayda , Haweenka iyo dhalaanka ,biyaha   iyo baahiyaha kale ee bulshada deegaanku u baahantahay 

waxaa kale oo ka hadashay isu soo baxaas Siciido Bulxan oo kamid ah garabka haweenka ururka hor-cad ee baargaal ayadoo hoosta ka xariiqday inay ururkaan ka heli doonaan xooqdooda haday yihiin haweenka deegaanka ,

ugu danbayntii  waxaa isu soo baxaas ka hadlay qaar kamida odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayagoo ku dheeraaday in la ilaaliyo nabadgalyada iyo in habkan xisbiyadu uu yahay hanaan horseedi kara horumar hadii si xilkasnimo iyo aqoon loo maamulo






















Xafiiska Wararka Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
baargaal
Developed by Jago Desain