Posts

Wasiir kuxigeeno iyo gobolka cusub ee Gardafuul oo maanta mudanayaasha Puntland ansixiyeen

Xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland ayaa maanta kalfadhi ay ku
yeesheen magaalada Garowe waxaa ay ku ansixiyeen gobolka Gardafuul oo
caasimadisu tahay degmada Caluula.

Isla kulankaan ayaa lagu ansixiyay wasiiro xigeendii ugu dambeyey ee
la magacaabay oo kala ahaa Wasiir kuxigeenka koowaad ee wasaaradda
kalluumaysiga iyo khayraadka badda Muuse Geelle Yuusuf
Wasiir kuxigeenka sadexaad ee wasaaradda amniga C/casiis Siciid Gacmey
Wasiir kuxigeenka cadaaladda C/qaadir Yuusuf

Gudoomiyaha baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi oo shir gudoominayay
kulankaan ayaa sheegay wasiirada cusub inay heleen xasaanada shaqo,
gobolka Gardafuul ayuu gudoomiyaha xusay inuu si rasmi ah uga mid
noqonayo gobolada Puntland oo horay u ahaa sideed waxaana haatan
Puntland ay noqotay sagaal gobol

shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain