Xaafada Sandhuubo Baargaal oo Caaway Wacdaro Labaad Ka Dhigtay tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan

Xaafada Sandhuubo Baargaal oo sanadka matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway acdaro Labaad ka Dhigtay tartanka Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo uga adkaatay xaafada goljano ee waaciye 17-14 ,

Labadan Xaafadood ee sandhuubo Baargaal iyo Goljano waaciye ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 16 su'aalood waxyna midiiba laheyd 8 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.


Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada sandhuubo Baargaal oo la timid 17 Dhibic halka xaafada kale ee goljano waaciye ay la timid 14 Dhibic, waxaana sidaasi guushii ku

raacday Xaafada Sandhuubo oo ah xaafada ugu qadiimsan xaafadaha Baargaal

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 16 xaafadood .


Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada sandhuubo ee sanadaka Magaalada Matalaayay guusha iyo shaqada ay wadaan anagoo u rajaynaynaa inay barnaamajka qaybihiisa horumar ka sameeyaan


Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Baargaal
Developed by Jago Desain