Dhalinyaro soomaaliyeed oo markale lagu Dilay K/afrika. .

Warar aanu ka heleyno dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro xanuun badan oo lagu dilay dad Soomaali ah.
Kooxo Burcad ah ayaa dilay Marxuum Soomaaliyeed sida ay warbaahinta soo gaarsiiyeen dad kusugnaa halka dilka uu ka dhacay ee dalkaasi Koonfur Afrika

Warar kale waxay sheegayaan in labo muwaadin oo Somali ahaa gaari uu dul maray si bareer ahna ay niman Burcad aha ay ku talo gal ay u dileen.

Dhacdooyinkaasi naxdinta leh waxay ka dhaceen meel duleedka ka ah magaalada Cape Town waxaana dadka ay ka muujiyeen cabsi xoogan maadama awal dilka uu ahaa mid xabad loo adeegsan jiray, hadana ay ugu gudubtay in la isgubo,

shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain