Maxkamadda gobolka Bari oo xukuntay gubidda lacag been abuur ah oo la qabtay

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa xukuntay in la gubo lacag been abuur ah oo dhowaan ay qabteen ciidanka ammaanka ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda, Bashiir Ismaaciil Axmed ayaa amray in la‏ ‏gubo lacagta oo dhan ku dhowaad nus bilyan shilinka Soomaaliga, taas oo lagu hayay bangiga maamulka qeybtiisa gobolka Bari.

Bashiir wuxuu sheegay in lacagta sharci darrada ah si qarsoodi ah lagu soo geliyay deegaannada Puntland. Maamulka Puntland ayaa in dhowaaleba waday olole uu kula dagaallamayo lacagta been abuurka ah.

Maamulka ayaa ku wargeliyay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada inay ka feejignaadaan isticmaalka lacagta been abuurka ah.

shabakada baargaal.net
isha wararka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain