Al-Shabaab oo soo bandhigtay Magacyada iyo halka ay ka yimaadeen ragii qabsaday #WestgateMall

Xarakada Al-Shabaab ayaa barteeda Twitter-ka ee ay dib u sameysatay markii laga xiray bartoodii saddexaad soo dhigay magacyada sagaal ruux oo ay sheegeen inay yihiin Xoogaga ka qeyb qaadanaya howl galka maalintii sadexaad ka socda Suuqa Ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.

Barta Twitterka oo daqiiqad daqiiqad loo soo gelinayay magacyada ayaa ahaa sagaal ruux oo Soomaali ah oo ahaa dhalinyaro Soomaali ka kala yimid dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, Canada, Britain iyo Finland, iyo qaar kale oo ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya.

Magacyada ayaa intii ay mid mid ay u soo dhigayeen si lama filaan ah looga xiray Barahooda Twitter labada barood ee ay maanta sameysteen, kuwaasoo cinwaankooda kala ahaaHSM_Press2 iyo HSM_Press Office Hadaba Magacyada la soo dhigay Barta Twitter-ka Shabaab ka hor inta aan la xiray ayaa sidan u qornaa:

1. ahmed mohamed isse 22 y.o native, from saint paul minnesota,
2. abdifatah osman keenadiid. 24 y.o from minneapolis
3. gen mustafe noorudiin. 27 y.o from kansas city.
4. MO qasim said mussa 22 y.o garissa KE.
5. ahmed nasir shirdoon 24 y.o from london UK
6. zaki jama caraale 20 y.o from hargeisa somalia
7. ismael guled 23 y.o from helsinki finland.
8. sayid nuh 25 y.o from kismayo somalia
9. abdirizak mouled 24 y.o from ontario canada

Ciidamada kenya ayaa wali la hardamaya kooxihii qabsaday dhismaha oo la sheegay inay dhismaha kore isugu tageen, isla markaana muddo sodon saacadood ka badan ay ku sugan yihiin gudaha xarunta, kuwaasoo la rumeysan yahay inay maxbuus ahaan u heystaan dad aan tiradooda la sheegin.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Xafiiska wararka baargaal
baargaal- somalia
Developed by Jago Desain