Layaabka aduunka: Haweeney guursatay Mas kobre ah, sababtu waa maxay !!!

Dalka India waa kan ugu mucjisooyinka badan caalamka, wax walboo aan la maleysan karina waa laga soo wariyaa, dhacdadaan ayaana daliil muuqata u ah in dalkaasi yahay caasimada cajaa'ibka caalamka.

Sida uu ku waramaya wargeyskaHindustantimes haweeneey 30 jir ah ayaa loo guuriyay Mas kobre ah, kaasoo la sheegay in ay jecleyd muddo 3ano ah. Dhacdadaan wargeysyo badan ayaa soo qaatay, sababta arooskani u dhacay ayaana lagu sheegay tuulada ay gabadhani kasoo jeedo oo laga aaminsan yahay in qofkii guursadaa Maskaas uu tuulada oo idil u horseedayo nasiib wanaagsan iyo horumar aan la sawiri karin,

sixiroolayaal tuulada deggan ayaana arintan soo jeediyeen, waa sida wargeysku warinayo.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee la maqlo haweeneey mas guursatay, balse India tani la yaab kuma noqon, maxaa yeelay maalin walba ayaa kuwa ka daran laga soo sheegaa.

Xaflada arooska ayaana sida la sheegay qaatay muddo 1 saac ah, ayadoo ay kasoo qeyb galeen, dad gaaraya 2000 oo qofood, kuwaasoo dhamaantood u yimid in ay ka mid noqdaan dadka nasiibku saacidi doono maskaan la guursaday dartiis.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain