Madaxweyne Faroole oo Booqasho ku tagay Yemen

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole Ayaa saaka u duuley Dalka Yemen ka dib markii ay Casumaad ka heleen Dowlada Yemen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullaahi Warsame iyo Xubno ka Titrsan Xafiiska Madaxweynaha,

Madaxweynaha iyo Wagdigiisa ayaa maalmahaan ku sugnaa dalka isutaga Imaaraatka carabta kadib intay ka soo noqdeen shirkii new deal ee somalia loogu qabtay caasimada dalka biljam ee bruksel.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain