Posts

Mashruuca Aad Dugsiga oo Somalia ka Bilowday

Maanta ayaa Lagu Wadaa in Qeybtii ugu horeysay caruur iyo dhalinyaro hal malyuun gaareysa ay u fariistaan fasaladooda wax barasho lacag la'aan ah markii ugu horeysay muddo 22 sanadood ah oo Somalia ay dagaalo ku jirtay.

Talaabadan ayaa qeyb ah olole ujeeddadiisu tahay sidii hal milyan oo carruur ah iskuullada loogu diri lahaa Somalia.Ololaha loo bixiyay iskuulka aad waxaa uu iskumar ka bilaabanayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka xarumaha u ah Somaliland iyo Puntland ee Hargeysa iyo Garowe, sida ay sheegtay hay'adda daryeelka carruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF.

Saddexda sano ee uu mashruucani soconayo waxaa ku baxaysa lacag dhan 117 milyuun oo dollar, oo lagu dhisayo iskuullo cusub kuwii hore ee dadweynaha ee dagaalada ku bur burayna dib loogu dayactirayo.

BAARGAAL NEWS
Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain