Ra’isul Wasaarihii hore Farmaajo oo diiday inuu qabto Jagada Ra’isul Wasaaraha

Ra'iisul wasaraihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ku gacan sayray inuu noqdo Ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya ka dib markii codsi arinkaasi ku aadan loo jeediyay.

Waxa uu sheegay in hadda aanu doonayn in wax xil ah uu ka qabto dowladda Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu dib ugu celiyay go'aankaasi xubnihii u keenay.

Saacid ayaa lagu cadaadiyay in xilka uu ka dego, hase ahaatee waxa uu taasi shuruud uga dhigay in la keeno Ra'iisul wasaare Farmaajo, laakiinse qorashahaasi aad ayuu u dhicisoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo Sanad ah shaqeyneysay, hase ahaatee haatan waxay u muuqataa mid aad iyo aad u fashilan, maadaama ay wax ka qaban weysay arimo badan oo u baahnaa in deg deg wax looga qabto.

shabakada Baargaal . net
news Desk
Developed by Jago Desain