Sheeko qosol badan: soomaali iyo tahriib


Waxaa gebi ahaanba gobolada Soomaaliya si xawli ah uga socda‏ ‏qorshayaasha tahriibta adigo maalin kasta maqlaaya dhallinyaro‏ ‏tahriibaaya . Haddaba Intee le´eg yahay dhibka ka horreeya gaaridda‏ ‏Yurub?

bal sheekadan qosolka badan nala akhriso

Saddex nin oo Soomaali ah ayaa rabay inay Yurub ku galaan tahriib‏ ‏ayagoo wadadoodu ahayd Suuriya ka dibna Turkiga‏ ‏dabadeedna Giriiga marka dambena Holland.

Markay Giriiga marayeen saddexdii nin ayaa lagu xareeyey kaam ay ku jiraan qaxooti badan oo dalal kala duwan ka kala yimid.Waxaa la yiri qof walba magaciisa oo saddexan ha ku qoro foom lagu qoro magacyada dadka kaamka soo gala.

Sadexdii nin mid ka mid ah ayaa magaciisii far Soomaali ku qoray "Axmed Maxamed Maxamuud". Maalintii dambe ayaa la damcay in dadkii kaamka ku jirey loo wareejiyo kaam kale, markaas baa la bilaabay in magacyadoodii la xaadiriyo.
Sidii marba qof magaciisa loo xaadirinayey ka dibna dibada loogu saarayey ayaa la maqlay ninkii wax xaadirinayey oo leh " Akismidh Maksamidh Makismuudh" (Axmed Maxamed Maxamuud ayuu English ahaan ugu dhawaaqay) waa la waayey cid farta taagta oo magacaas sheegata markaasuu isagoo ninkii xanaaqsan ku celceliyey Akismidh Maksamidh Makismuudh haddana waxaa la waayey cid ku dhawaaqda oo tiraahda waa aniga oo magacaas sheegata.

Dabadeed sadexdii nin ee Soomaalida ahaa ayaa hoos isula sheekaystay markaasuu kii magaca lahaa yiri "Xayawaankaas dhoohan ee magaciisa garan la' muxuu ahaa" markaasuu kii kale yiri "Igsimidh nigsimidh hadaad maqasho kolay waa indha yartii gaajada ahayd iyagaa waxaas la baxa" markaasuu kii sadexaad yiri "War maahee waa magac Afrikaan weliba nooca cawaanka ah iyagaa magacyadaas nigiska u eg la baxa, indha yarta magacyadooda miyaadan maqal Jeekee Jaan, markaas buu kii kale yiri haayoo waa runtaa oo waxay la baxaan juu jaa, yiin yaang iyo hiin haa amma siin jiin oo marka magaca loo bixinayo malqaacad ayaa dhulka lagu tuuraa markaasaa dhawaaqa ay samayso amma soo celiso loo bixiyaa".

Markii la waayey cid magacii sheegata ayaa liiskii laga tirtiray. Aakhirkii markii magacyadii la dhammeeyey ayuu ninkii odayga ahaa kaligii kaamkii ku soo haray markaasaa la weydiiyey magaciisa markaasuu yiri Axmed Maxamed Maxamuud . Ninkii waxaa lagu eedeeyey inuu kaamka sifo sharci daro ah ku soo galay markaasaa Turkiga dib loogu celiyey.

Turkiga ayuu ka soo raacay gaari Tareele ah oo ay la socdaan Tahriibayaal Kurdiyiin ah markaasaa mar labaad Xuduuda Giriiga lagu qabtay isaga iyo koox Kurdiyiin ah. Inta saf la galiyey ayaa marba mid la waraystay, sadexdii nin ee ka horreeyey ninkan Soomaaliga ah ayaa marba mid la weydiiyey "Maxaad tahay?", "Kurdi", "Oo yaad ka tahay?", "Ciraaqi". Kii ku xigay ayaa la weydiiyey "maxaad tahay?", "Kurdi", "Yaad ka tahay?","Turki". Kii ku sii xigay ayaa la weydiiyey "Maxaad tahay?", "Kurdi", "Yaad ka tahay?", "Suuriyaan". Kii Soomaaliga ahaa markii la soo gaaray ayaa la weydiiyey "Maxaad tahay?", "Kurdi" (Kurdi wuxuu moodaa inay la macnattahay qaxooti), "Oo yaad ka tahay" "Soomaali".

shabakada baargaal.net
arimaha Bulshada
Developed by Jago Desain