Posts

Shirka New Deal ee arrimaha Soomaaliya oo Brussels ka furmaya


Magaalada Brussles ee xarunta Midowga Yurub oo maalinta berri ah uu ka furmayo shirka Hiigsiga cusub ee New Deal ee lagu taageerayo dib u diska iyo horumarka dalka Soomaaliya ayaa waxaa kusii qulqulaya Wufuud fara badan oo shirka ka qaybaglaysa.

Wufuudda gaaraya Brussles oo iskugu jira Soomaaliya iyo Ajaanib ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo shalay gabbal dhicii Muqdisho ka ambaxay oo saaka lagu wado inuu gaaray Brussles.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa isne saaka ka ambabaxay dalka Jabuuti isaga iyo wafti uu hogaaminayo oo ka qaybgali doona Shirka Brussles,madaxweyne Geelle ayaa ka mid ah madax olole u gali doona sidii Soomaaliya loo siin lahaa taageero ay kaga soo kabato colaadaha dalka naafeeyey.

Shirka Brussles oo furmaya maalinta Isniinta ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 16ka bishan Sep. ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka kala socota 50 dal,waxaana ka mid ah R/wasaaraha dalka Ethiopia,Wasiirka arimaha dibadda Turkiga,Wasiirka arimaha Dibadda Suudaan,wakiilo ka kala socday Qaramada Midoobay Midowga Yurub,Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, ururka Islaamka iyo hay'ado caalami ah. Shirka Brussles ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo bixi doonaan go'aanno cad cad oo lagu taageerayo Soomaaliya oo ku biirtay heshiiska New Deal oo lagu taageero dalalka kasoo kabanaya colaadaha dheeraatay

SHABAKADA BAARGAALNET
BARGAL - SOMALIA
Developed by Jago Desain