War hada soo dhacay: iska hor imaad xoogan ayaa goor dhawayd ka Bilaawday Xarunta Westgate Mall Nairobi

Iska hor imaad xoogan ayaa goor dhawayd ka bilaawday xarunta Westgate Mall Nairobi, kadib markii koox Burcad ah oo gaaraya ilaa 20- iyo Ciidamada Milatariga kenya ee Jeyshuuga ay isku fara saareen.

Wararka ayaa sheegaya in Burcad Hubeysan ay isku dayeen in ay dhac u gaystaan Xarumo Ganacsi oo halkaas ku yaal Waxaana la sheegay in Rasaas Xoogan ay halkaas ka dhacayso.

Kooxdan Burcada ah ayaa la sheegay in ay Gudaha ku dagaalamayaan, waxaana la sheegay in dagaal iyo iska hor imaad uu halkaas ka socdo. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Kenya ay isku gadaameen Xarunta Westgate Mall, waxaana la maqlayaa Rasaas Xoogan.

Laamaha amaanka iyo Ciidamada ayaa heegan la galiyay waxaana ka soo baxaya Warar kala Duwan halkaas, waxaana la sheegay in khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed ay ka dhaceen halkaas.

Xaruntaan ayaa ah xarun wayn oo iskugu jirta Goobo ganacsi, Xarumo Hotelo iyo Goobo lagu caweeyo, saxaafada Kenya ayaa Live u tabinaya waxa ka socda haatan West gate.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas
BAARGAAL NET
Developed by Jago Desain