Weerarkii Westgate ee Nairobi oo afduub isu bedalay iyo Al Shabaab oo sheegatay

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay weerarkii maanta lagu qaaday suuqa caanka ah ee Westgate ee magaalada Nairobi sida ay sheegtay Laan-Qeyrta-Cas, halkaasi oo ay maanta gudaha u galeen koox hubeysan oo bambaanooyinka gacanta iyo rasaas la beegsaday dadkii halkaasi ka adeeganayey.

Weerarkan ayaa hada isu bedalay afduub iyadoo qeybo kamid ah daaraha suuqaasi ay weli ku jiraan kooxdii weerarka soo qaaday waxaana gudaha suuqa ku xaniban dad badan oo ku dhaw 100 qof.

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday, halka ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo badan oo aan weli la xaqiijin waxay yihiin. Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay Sadex irid oo kala duwan kasoo galeen suuqaasi iyagoo rasaas ooda uga qaadayey cid walba oo ka horyimaada. Weerarkan ayaa bilowday 12kii duhurnimo xili halkaasi ay dad badan ku sugnaayeen.

Kooxda weerarkan soo qaaday ayaa la sheegay inay ku labisnaayeen tuute iyo dareeska dagaalka isla markaana ay wateen qoryaha Ak47, waxaana sheegayeen inay yihiin rag Soomaali ah, sida laga soo xiganayo dadka halkaasi ka baxsaday goobtaasi iyo ciidamada Booliiska. Al Shabaab Kooxda Al shabaab afhayeenkeeda Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay kooxdooda ka danbeyso isagu ku tilmaamay weerarkan mid aargoosi ah oo ku wajahan dowlada Kenya iyo shacabkeeda. Waa weerarkii ugu xooga badnaa oo ay dabley ku qaado suuq ku yaal magaalada Nairobi, iyadoo ay horey u jireen weeraro bambaano oo ka dhacay Nairobi kuwaasi oo ay dowladu horey ugu eedaysay inay ka danbeeyeen kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa militariga ayaa hada ku hareeraysan suuqaasi, iyadoo la sheegay in kooxdii hubeysnaa ay weli gudaha ugu jiraan dhismaha Suuqa Westgate oo ah suuq ay ka adeegtaan dadka maalqabeenada ah iyo waliba in badan oo kamid ah shaqaalaha saafaradaha Nairobi ku yaal iyo kuwa Qaramada Midoobay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain