Beesha Jibriil Cawlyahan ee siwaaqroon oo Ugaas Cusub ku Caleemasaartay Magaalada Boosaaso

Xaflad balaaran oo ay kasoo qeybgaleen madax-dhaqameedyo,aqoonyahanayo, culimaa' uddiin siyaasiiyiin, Ururada haweenka iyo dhalinyarada, iyo marti sharaf kale oo badan ayaa lagu caleemasaaray ugaas cusub oo ay yeelato Beesha Jibriil Cawlyahan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega bariga soomaaliya, waxayna qeybaha kala duwan ee beeshaasi ay Ugaas u doorteen inuu u noqdo Cumar Axmed Saalax

Xaflada oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay cuqaashii kasoo qeyb gashay Caleemasaarka ugaaska cusub, waxayna sheegeen in ugaas Cumar Axmed Saalax uu yahay nin caan ah oo kasoo bixi kara xilka ay beeshu u igmadeen

Nabdoon Ladane Nuur oo kamid ahaa waxgaradkii munaasabadda caleema saarka ka hadlay, ayaa sheegay in beesha Jibriil Cawlyahan oo ka tirsan beelaha Siwaaqroon ay lahayd Beeldaaje guud, haseyeeshee maadaama ay beeshu ballaaran tahay loo baahday in isim kale la caleema saaro.

Cali Cawad oo isna kamid ahaa cuqaashii munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galay, ayaa sheegay in ugaaska cusubi aanu noqon doonin midtay beel gaar ahi leedahay,haseyeeshee uu isim u yahay dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Ugaaska maanta la caleema saaray oo lagu magacaabo Cumar Axmed Saalax oo ugu dambeyntii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu xil weyn iska saari doono sidii uu uga soo bixi lahaa mas'uuliyadda culus ee ay beeshiisu saaratay. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay, in uu ku dadaali doono sidii uu ku noqon lahaa isim bulshada la tashada, dhibtooda ka war qaba islamarkaana ku dadaala sidii uu wax uga qaban lahaa cabasho walba oo dhankooda ka timaada.

Ugu dambeyntii, wuxuu ka codsaday ka qayb gelayaasha munaasabadda caleemasaarka in ay usoo duceeyaan, oo ay Ilaah uga baryaan in uu u fududeeyo xilka culus iyo mas'uuliyadda adag ee dhabarka loo saaray.

Caleema saarka Ugaas Cumar Axmed Saalax ayaa kusoo aadaya xilli ay deegaanada Puntland ka socoto xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland, howshaas oo ay garwadeen ka yihiin guurtida iyo madaxda dhaqanka ee beelaha Puntland

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada baargaal.net waxay u hanbalyaynaayaan Ugaas Cumar Axmed Saalax Ayagoo ilaah uga baryaaya ugaaska cusub inuu u fududeeyo hawsha loo igmaday



shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain