Culumada Puntland oo sheegay in Gurmadka ay garsiinayaan guud ahaan deegaanada ay Duufaantu ku dhufatay


Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ka mid ah Culumada Gurmadka ka wada Boosaasso ayaa sheegay in Culumada Puntland ay ka go'an tahay in Gurmadka ay gaarsiiyaan guud ahaan deegaanada ay Duufaantu ku dhufatay ,xilli Culumadu ay ku hawlan yihiin ololaha loogu Gurmanayo dadka ay waxyeelaysay Duufaanta Cyclole03A.

''Waxa nala kasoo wacay Gobolka Gardafuu iyo Laasqoray waxa nala waydiiyay,maxaa Gobolada kale aad Gurmadka u gaarsiin waydeen,Annagu magaca Puntland ayaan ku balan qaadnay meesha dhibtu ka jirto,meeshaan dhibi ka jirina dhib lama raadiyo,oo qofku hadduu dhaho isagoon baahnayn wa baahanahay marka dambe EEBE baahi buu ku tuurayaa'' Ayuu yiri.
Wuxuu ugu baaqay umada Muslimiinta inay laba jibaaran talaabada ay ku caawinayaan walaalahooda ay Duufaantu waxyeelaysay.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain