Roob Culus oo Baargaal iyo nawaaxigeeda ka da,ay & Guryo Qadiimi Ah oo Dumay

Magaalada Baargaal Ee Gobolka Gardafuu waxaa Ka Da'ay maalmihii Lasoo Dhoofay Roob Xoogan Kaasi oo Hayey Magaalada Ilaa Shalay gelinkii Danbe.

roobkan oo da'ayay mudo afar maalmood oo isku bixis ah ayaa biyo badan dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada baargaal taasi oo keentay in biyuhu guryo badan gudaha u galaan iyo Qaar kamida Guryaha Qadiimaga ah ee ku Yaalay Magaalada Baargaal oo Qaybo Kamida Ay Dumeen Kadib Roobkaan Xoogan

bulshada baargaal oo gacan ka heshay maamulka degmada iyo ciidamada badda puntland ee ku sugan degmada ayaa iskaa wax u qabso isu xilsaartay sidii looga saari lahaa guryaha iyo wadooyinka biyaha fariistay.



shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain