SHAAHA AADKA U KULUL & KANSARKA KU DHACA DHUUNTA OO LA SHEEGAY IN UU XIRIIR KA DHAXEEYO!!!

Cabitaanka shaah aadka u kulul iyo Kansarka gala dhuunta ayaa la sheegay inuu xiriir ka dhexeeyo Seynisyahanno reer Iran ah oo sameeyey baaritaankan mudo hore ayaa sheegay in la ogaaday inuu ka dhexeeyo xiriir cudurkan iyo shaaha aad u kulul kadib markii ey baaritaan qaatay waqti dheer ku sameeyeen dad reer Iraan ah oo iyagu aad u jecel shaaha madow(bigeyska ) ah oo ey cabbaan isaga oo kulul.

Cudurka Kansarka (Cancer) ee gala dhuunta loona yaqaan Oesophagea (waa tuubada cuntada u qaada caloosha) ayaa waxaa uu fara ba'an ku hayaa dalal badan oo ku yaala qaarada Asiya iyo qaar kamid ah dalalka Afrika kuwaas oo aad looga cabo loogana jecelyahay shaaha kulul.

Dhakhaartiirtan sameeyey baaritaankan oo ka howlgala Jaamacada Tehraan University kuna soo bandhigay warbixintooda British Medical Journal ayaa sheegay in cabitaanka shaaha kulkiisu gaaro 70C iyo wixii ka badan uu sababi karo Kansarka aan kor ku soo xusnay iyagoo sheegay ineysan weli ogeyn dhibaatada sida uu ugu geysto kuleylku dhuunta waxeyna sheegeen in loo baahan yahay baaritaan dheeri ah.

Gobolka Golestan ee ku yaala waqooyiga Iran ayey sheegeen dhakhaartiirtu inuu ku dilo cudurkan dadka ugu badan adduunka waxaana ey sheegeen in dadka Tubaakada Cuna iyo khamrigu ey aad ugu yar yihiin laakiin seynisyahanada ayaa sheegay iney cabbaan ugu yaraan Hal Liter oo shaah bigeys ah maalin kasta. Dhakhaatiirtan ayaa ku taliyey in la iska qaboojiyo shaaha loona kaadiyo(sugo) in muddo ah si uu u qaboobo ama wax qaboojiya laysaga daro sida caano iyo wixii la mid ah waxeyna sidoo kale sheegeen ineysan wanaagsaneyn in la cuno cunto kulul loona baahan yahay in la iska qaboojiyo cuntada sidoo kale.

Deegaankeena calbari ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu Cudurkan Kansarka ee gala dhuunta ama hunguriga aadka looga yaqaan asagoo dadbadan ku dhaca sanad kasta

BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain