Posts

Garowe: Golaha wasiirada Puntland oo galabta lagu dhawaaqayo

Madaxweyanaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaya galabta liiska golaha wasiirada Puntland oo ay hal maalin kaharsan tahay wagtigii kama dabeysta ahaa ee dastuurka u qabtay.

Wariyayaasha ayaa loo sheegay inay galabta iska soo xaadirayaan xarunta madaxtooda oo lagu shaacinayo magacyada golaha wasiirada iyo ku xigeenadooda. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada ay noqon doonaan wasiirada xukuumada Dr C/Weli iyo inay ku jiraan xubno kamid ah golihii wasiiradii hore. Warar aan lagu kalsoonayn ayaa sheegaya inay golaha wasiiradu noqondoonaan 15 wasiiro , 15 ku xigeeno iyo 5 wasiir udowlayaal. Waxaana la sheegay inay ka dhex muuqan doonaan golaha xukuumada cusub xubno kamid ah wasiiradii hore ,Sida wasiirkii waxbarashada , wasiirkii maaliyada iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha laakiin ma ahan wararkaan kuwo lagu kalsoon yahay.


Madaxweynaha Puntland ayaa horey u sheegay inuu soo dhisidoono xukuumad dadka u eg oo tayo leh.

Waxaana gayiga Soomaalida laga wada sugayaa xukuumada uu soo dhisayo Dr Gaas.


Warbaahinta BAARGAAL.NET si dhow uga la soco magacaabista golaha wasiirada.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada cali
Developed by Jago Desain