Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Garoowe

Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ku dilay allaha u naxariisto nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan oo ahaa nabadoonka beesha reer Xasan (Leelkase).

Nabadoonka oo ahaa nin da' ah ayaa la toogtay xilli uu ku sii jeeday hoyga uu ka deganaa magaalada Garoowe, waxaana uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadda maqrib. nabadoonka dhintay ayaa kaalin firfircoon ku lahaa nabad gelyada Puntland, isagoo ka qaybqaatay heshiisiinta beelo horay u dagaalamay.

Kooxaha dilka gaystay oo ku hubaysnaa bastoolado ayaana baxsaday waxaana socda howlgallo ay ciidamada amaanka Puntland ka wadaan magaalada Garoowe.
BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain