Arrin Mucjiso ah oo ka taagan Sanaag: Nin Roob & Dab isla socda ah


Arrin mucjiso ah ayaa lagu arkay deegan lagu macagaao Baaragaha Qol oo ka tirsan degmada Dahar ee gobalka Sanaag, taasoo ah"Nin Roob iyo Dab isla socda ah".

Nin 72-jir ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Aw-Raage, ayaa oo ku nool deeganka arrintan mucjisada ay ka dhacday ayaa la sheegay in mar la arkay isagoo dushiisa ay ku da'ayaan roob, markii dambana la arkay isagoo meeshii uu fadhiyay dab uu ka kacay, kaasoo baabi'yay guryo iyo goob lagu xareeyo xoolaha.

Ninkan ayaa dadka marka ay taabtaan waxaa laga dareemayaa qoyaan oo roob ayaa ku da'aya kaligiisa.markii dambe meel ku dhow xerada xoolaha ayaa dab ka kacay.

Ninka mucjisadan ay qabsatay ayaa la hadlay VOA-da wuxuuna sheegay arrintan in uu isku muddo 15-cisho"Korka dab kama baxaayo, guryihii ayaa gubanaya, waa dab rabaani ah, korka dab kama baxaayo, alaabtii iyo guryihii waa ay bas beeleen, marka alle ayaan waxan u deeneynaa oo isaga ayaa yaqaana" ayuu yiri. Waxaa la weydiiyay in wax xanuun ah uu dareemayo, wuxuu sheegay in wax xanuun ah uusan dareemeynin marka laga reebo in uu yahay qof da' ah. Wuxuu sheegay oo kale Oday Maxamuud markii ay is dhaheen u soo sheega maamulka ka jirra deegan in uu dab qabsaday baabuurka ay la socdeen taasoo keentay in ay dib ugu laabtaan deeganka.

Dadka deeganka ayaa arrintan aad ula yaaban, waxaana ay noqotay mid aad looga hadalyo deeganka Baaragaha Qol iyo guud ahaan gobalka Sanaag.

Dhinaca kale, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsan hey'addaha culimada Soomaaliyeed, oo arrinta la weydiiyay ayaa ku taliyay in culimada deegankaas ku nool in ay qur'aan badan ku akhariyaan goobta lagu arkay mucjisada.

BAARGAAL MEDIA
Sanaag
Developed by Jago Desain