Raisulwasaarihii hore ee Somalia C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa cusbitaal ku yaala dalka Mareykanka ku geeriyooday Raisulwasaarihii labaad ee Somaliya Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaanay caalamka gaar ahaan geeska Africa. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku jiray Cusbital ku yaala dalka Mareykanka, wuxuuna in muddo ah la noolaa qoyskiisa oo halkaas ku nool.

C/risaaq Xaaji Xussein Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1924tii. Ka dib markii ay koofurta dalka Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimodoonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943dii.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu xubin firfircoon ka dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League ee "SYL", wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray.

Sidoo kale wuxuu xubin baarlamaan ka noqday baarlamaannadii rayidka ahaa ee dowladihii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan & C/rashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna dalka ra'iisul wasaare ka noqday dalka Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967dii.

Ka dib afgembigii aan dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga, muddo ka dibse laga sii daayay. Dowladdii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wixii intaas ka dambeeyayna wax mas'uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Jibouti.

Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain