Sheekada maanta: war nimanyahow Maxuu rag qabaayoo qarsanaayaa, ragna wuxuusan qabin la qaylinaayaa

Golaha Wasiirada Cusub ee uu ku dhawaaqay madaxwayne gaas iyo sida beelo saami fiican ka helay ay u qaylinaayaan , beela kalena aysan xaqoodii iyo wax u dhaw aysan u helin oo aamusan yihiin

waaydii hore waxaa jiray nin dadqal ah , maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabsaday wiil iyo hooyadiis oo socdaal ahaa , habeenkii ugu horaysay wuxuu qashay hooyadii , subaxdii ayuu hilbihii intii u haray wuxuu ku raray wiilkii , asagoo ku tala jiray goortuu jeexaas ka dhamaado , inuu wiilka markaas qasho,

ayagoo socda ayaa waxaa ka horyimi niman sodcaal ah markii laysnabdaystay ayaa ninkii dadqalka ahaa wuxuu ku cataabay inay xalay dhan cidlo joogeen wax dheefna aysan helin markaas kidib ayaa wiilkii yaraa oo xikmad lahaa wuxuu yiri " war nimanyahow Maxuu rag qabaayoo qarsanaayaa, ragna wuxuusan qabin la qaylinaayaa "

markaas ayaa dhiilo gashay nimankii sodcaalka ahaa oo waxay yiraahdeen maxaad ula jeedaa wiilyahow hadlkaas aad tiri , markaasuu wiilkii wuxuu yiri " inta habartaa la qashay oo qayb la cunay hilbaheedii qaybtii hartayna malagugu qaaday , adiguna qarka ma u saarantahay in lagu qasho , sidii baa ninkii dadqalka ahaa u kashifmay wiilkiina ku badbaaday

BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain