Hay'adda DAI oo qalab waxbarasho ku wareejisay gudoonka waxbarasho ee Degmada Baargaal

Hay'ada Dai ayaa qalab waxbarasho oo ka koob an kuraas,miisas, iyo qalab xafiis ku wareejisay gudiga waxbarshada degmada baargaal

Munaasabad kooban oo ay hay'adda DAI qalabka ku wareejinaysay oo lagu qabtay dhismaha dugsiga sare ee Degmada Baargaal ayaa waxaa ka soo qayb galay xoghaya dawlada hoose ee degmada C/qaadir maxamed jamac (C/qaadir caato )masuuliyiin ka socday Hay'adda DAI ,maamulka dugsiga iyo sidoo kale gudiga waxbarashada Degmada.

Gudoomiyah gudiga waxbarashada Degmada Baargaal sheekh C/laahi muuse maxamed (Bootaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore u mahad celiyay hay'adda DAI Iyo hay'ada USAID ee maalgalinaysa mashruucan wuxuuna ka warramay baahida ay u qabeen qalabkaasi loogu deeqay isagoo sheegay inay baahida dugsiga sare qayb wayn ka dabooli doonto.

Sheekh bootaan waxaa kale oo uu cadeeyay asagoo ku hadlaaya magaca maamulka, macalimiinta, iyo ardayda dugsiga sare inay qalabkaasi uga faa,idaysan doonaan sidii loogu talo galay.

Gudoomiyaha oo kawaramayay dhismaha dugsiga sare oo ay hay'addu horay u hirgalisay hadana u qalabaysay ayuu ku tilmaamay mid wax wayn ku soo kor dhiyey deegaanka oo ay ka waalidiin ahaan markii hore walwal ka qabi jireen meesha ay ilmahooda ugu diri lahaayeen dugsi sare hadase walwalkaasi uu meesha ka baxay.

Ugu danbayntii sheekh bootaan ayaa tilmaamay inuu maalmahan warbaahinta ka maqlaayeen in la kordhiyey miisaaniyada waxbarashada ee puntland asagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin arinkaas wuxuuna dawlada ka codsaday inay meelaha fogfog sida Baargaal oo kale ay soo gaarsiyaan xuquuqda waxbarashao ee lagu leeyahay.

Dhismaha iyo qalabaynta dugsiga sare ayaa wuxuu qayb ka yahay barnaamij ay Maalgalinayso Hay'ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID oo lagu horumarinaayo shan Degmo oo ay saamayn ku yeelatay Burcad Badeedu oo ay baargaal ku jirtay





SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain