Wasiiradda haweenka puntland oo soo gaartay Baargaal Si balaarana loogu soo dhaweeyay

Wasiirada Haweenka Puntland Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ayaa caaway soo gaartay Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuul waxaana Wasiiradda duleedka magaalada si wayn ugu soo dhaweeyay boqolaal Dadwayne ah

Baabuur iyo caleemo qoyan iyadoo lagu galbinaayo wasiiradda lagu soo galiyay gudaha Magaalada Baargaal , waxaana si toos ah loo dajiyay Hotel Makkah oo ay horay u sii dageen wafdi wasiirada ka soo horeeyey.

Maalinta Barri ah ayaa la filaayaa in wasiiraddu u gudagasho hawsheedii shaqo ay gobolka u timi

Naga filo Warbixin Ku saabsan Safarka Wasiiradda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain