Dhacdo Aragagax leh: Wiil Soomaali ah oo hooyadiis Ku Dilay Caasimada Danmark ee Copenhegan

Arin aad looga naxo oo ka argagixisey Soomaalida Degan Denmark gaar ahaan Caasimada ayaa shalay ka dhacdey Magaalada Copenhegan, wiil Soomaali ah oo 20 jir ah ayaa diley hooyadiis, illaa hada lama oga sababta uu u diley, Sida la xaqiijiyay wuxuu dilka hooyadiis u isticmaalay Mindio.

Alla ha u naxariistee Hooyada la diley ayaa dhashey 8 Caruura, xiliga dilku dhacayayna Caruurtu guriga ayay joogeen ilaa ay ka warheleen Dad dariska ah.

Booliska Copenhegan ayaa baadi goob ugu jira wiilka geystey Dilka, iyadoo Marka uu diley uu ka fakadey guriga, waxayna Bileysku u badinayaan inuu Xaafadaha ku dhuumaaleysanyo.

Arintaan ayaa Argagax iyo naxdin ku abuurtay Soomaalida Degan Copenhegan iyo guud ahaan Dadka Dariska ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain