Hay’adda ADESO oo qaybisay Kun geed oo lagu tallaalayo magaalada Boosaaso

Hay'adda ADESO oo ka shaqeysa horumarinta deegaanka ayaa maanta kun geed oo loogu talo-galay qaar ka mid ah xaafadaha Boosaaso ka qeybisay magaalada xarunta u ah gobolka Bari.

Munaasabad dhirta lagu qeybinayay, isla markaana lagu xusayay toddobaadka dhir beeridda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiin ka socday degmada Boosaaso iyo howl-wadeennada hay'adda ADESO.

Dr. Axmed Cilmi oo ka mid ah howl-wadeennada hay'adda ADESO ayaa sheegay in dhirta ay tahay waxa ugu muhiimsan ee ka qeyb-qaata bilicda iyo qabowga deegaanka, loona baahan yahay in la beero.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee degmada Boosaaso, Bashiir Xaashi Ibraahim ayaa bulshada ugu baaqay hagaajinta deegaanka oo ay dhirta ugu horreyso.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain