Posts

Israsaasayn dhexmartay ilaalada Madaxweynaha Puntland oo Dhimasho iyo Dhaawac sababtay

Wararka naga soogaaraya Magaalada Garacad ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Askri katirsan ilaalada Madaxweynaha Puntland Proff Cabdiweli Cali Gaas uu rasaas ku furay qaarka tirsan ilaalada madaxweynaha kadib markii uu muran dhexmaray.

waxaana dhintay laba Askari oo katirsanaa ilaalada madaxweynaha halka Haweenay shacab ahina ay ku dhaawacantay.Askarigii falka geystey ayaa laqabtay.

waa dhacdadii labaad oo dil ah oo madaxweynuhu la kulmo intii uu Booqashada ku maraayey Gobalka Mudug iyadoo dhacdadii hore ay ahayd in Askari ka tirsanaa ilaalada Garoonka diyaaradaha Gaalkacayo uu toogasho ku diley laba nin oo ajaanib ahaa lana kulmilahaa madaxweynaha.

Xigasho: galgala news
Developed by Jago Desain