Kooxda Banaadir SC oo ku guuleesatay horyaalka Soomaaliya

Kooxda Banaadir SC oo ku guuleesatay horyaalka Soomaaliya

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa galabta ku guuleesatay horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, kaddib markii ay garaacday kooxda Gaadidka cayaar ka dhacday garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Kooxda Banaadir ayaa laga rabay in ay la timaado hal dhibic si ay ugu guuleesato horyaalka xilli cayaareedkan balse ilaa labo dhibcood oo dheeri ah ayey la timid.

Banaadir ayaa horrey u lahayd 28-dhibcood oo hoggaanka ayeeba heysay, waxaana ay hadda ku qaaday horyaalka 31-dhibcood.

Guusha kooxda Banaadir ayaa si weyn looga dareemay magaalada oo dhan, waxaana meel kasta lagu arkayay taageerayaasha kooxda Banaadir SC oo ku dabaal dagaya magaalada.

Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ayaa hadda soo gaaray heer gabagabo ah, waxaana ka haray dhowr kulan.

BAARGAAL.NET
Sports news
Developed by Jago Desain