Taliyihii ciidanka qaybta Booliska Gobolka Bari Cismaan Afdalow oo xilka laga qaaday

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xil kaqaadis lagu sameeyay Taliyihii qaybta ciidanka Booliska Gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke oo ku magac dheer Afdalow Sida ay warbaahinta Gudaha u sheegeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa xilka looga qaaday Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maalin ka hore ,wuxuuna Taliyaha cusub loo magacaabay Cabdirixmaan Cali Xaseen (Muslim).

Cabdirixmaan Cali Xaseen (Muslim) ayaa horay u ahaa Taliyaha laanta Socdaalka Jinsiyadaha Airporka magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain