Wasaaradda caafimaadka Puntland oo sheegtay inay ka go’an tahay gaarsiinta adeega caafimaadka dadka ku nool deegaanada fog fog

wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenow oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay inay ka go'an tahay gaarsiinta adeega caafimaadka dadka ku nool deegaanada fog fog oo shan iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay aan si saani ah u helin adeegyadda hormarinta caafimaadka.

Wasaradda haweenka ayaa sheegtay inay baahi badan u qabto sidii looga jawaabi lahaa caafimaad daradda ka taagaan deegaanada ka fog laamiga sida Gobalka Gaardufuu oo aan xitaa la hayn haddii uu qof xanuun sado gaadiidka caafimaadka ee lagu soo qaadi lahaa.

Dr. Saadiq Eenow ayaa xusay in sanadkan ay qorshaha ugu jirto muujinta karti ku fulin wax ka qabashada arrimaha hooyadda iyo dhalaanka,inkastoo uu wasiirku xusay inaan mudo kooban aan waxba lagu qaban karin oo loo baahan yahay waqti iyo dhaqaale ku fulin.

wasiirka Caafimaadka ayaa ayaa sidoo kale xusay in wasaraddu ay ku talo jirto sidii dhakhtar kasta oo Puntland ku sugan u baran lahaa qaliinka degdega ah si loo bad baadiyo xiliyadda ay hooyadu dhalayso oo dhibaato badan ay ka qabsato dhanka safarka iyo raadinta dad caafimaadka qaybta qaliinka yaqaan.


BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain