Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Baargaal Oo Meel fiican Maraya

Soo Xulista Golaha Deegaanka ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa meel fiican maraysa, waxaana socda shirar joogto ah sidii loo soo afjari lahaa dhismaha Golaha Deegaanka cusub oo ay degmada Baargaal yeelanayso.

Waxaana lagu guulaystay qaybsigii iyo saamiyadii beelaha deegaanku heleen ayadoo arintaasi laysku afgartay oo lagu heshiiyay.

Golaha Deegaanka Degmada Baargaal ayaa noqonaya 21 Xubnood, waxaana kaliya harsan in beeluhu ay soo fududeeyaan Soo gudbinta xubnaha Beelaha uga mid noqonaya golaha deegaanka cusub ee Degmada Baargaal.

Madaxweynaha dawlada puntland C/wali maxamed cali gaas oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku yimi Degmada Baargaal ayaa ugu baaqay bulshada degmada in ay ka shaqeeyaan dhismaha gole deegaan, si ay u helaan adeegyada muhiimka ah ee ay xaqa u leeyihiin.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain