Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxaxmed Cali Gaas oo lakulmay Bulshada Baargaal, kormeerna ku sameeyay magaalada (Sawiro)

Madaxwayanah Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maantay kormeer balaaran ku soo maray daafaha magaalada baargaal ee gobolka gardafuu asagoo ugu horaantii shir la qaatay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka iyadoo shirkaasi looga wada hadlay arimo badan oo ku saabsan waxqabad la'anta ka jirtay dhinaca dowlada puntland oo aan horay deegaanadan u soo gaari jirin

intaasi kadib ayaa Waxa uu madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kullan ballaaran kula qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan dhamasyada shirkada kallunka iyo korontada Baargaal halkaas oo jawi wanaagsan iyo neecaw qabow uu madaxwaynuhu ku xog waraystay bulshada degmada,asagoo ku booriyay inay sii wadaan horumarinta deegaankooda oo ku tilmaamay mid maraaya meel fiican.

Dhinacooda waxay bulshada Degmada Baargaal ay Madaxwaynaha Puntland uga mahadceliyeen Booqashada uu ugu yimid iyo kuur galida uu ku indha indhaynayo Xaalada nololeed ee shacabka ku dhaqan Degmada Baargaal.

Madaxwaynaha oo sii wata kormeerkiisi ayaa wuxuu booqday dhismayaasha shirkada kallunka iyo korontada Baargaal halkaasi oo ku dhagaystay warbixin ku saabsan shaqada iyo waxsoo saarka shirkada asagoo madaxwaynuhu gacantiisa ku tijaabiyay qaar kamid ah waxsoo saarka shirkada

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Degmada Baargaal dhagax dhigay Xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Doorjoogta,halkaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi iyo Masuuliyiin kale .

Ugu danbayntii wuxuu madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas booqsho ku tagay saldhiga degmada baargaal iyo xarumo kale oo badan.

Isku soo wada duuboo booqashada madaxwaynaha ayaa guul ku soo dhamaatay inkastoo aan la furin malafyo siyaasadeed oo badan oo bulshada deegaanku sugaysay inay kala hadlaan oo ay booqashada madaxwaynuhu ku soo koobantay barasho dhulka iyo u kuur galida xaalada degmadu ku sugantahay

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari

hoos ka daawo sawirada

Developed by Jago Desain