Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo si Diiran loogu Soo dhaweeyay Dagmada Baargaal (Sawiro)

wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa galabtay si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Baargaal ee Gobolka gardafuu.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxa si heersare ah oo aan loo kala harin u soo dhoweeyay dadwayne aad u badan oo ay horkacaayaan maamulka iyo odayaasha Degmada kuwaaso watay caleemo qoyan iyo boorar ay ka muuqdeen shacuur iyo dareen aad u sareeya,

Wafdigan ayaa Soo gaaray magaalada Baargaal , salaada casar Ka bacdi ,waxaana safarka madayanaha ku weheliyay wasiirka maaliyada puntland dr. Shire xaaji faarax iyo wasiirka arimaha gudaha axmed kaarash iyo masuuliyiin kale oo dawlada puntland ka tirsan .

Safarkan ayaa ah kii ugu horeeyey oo uu madaxwayne puntland ah ku yimaado deegaanadan tan iyo markii la aasaasay puntland 15 sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa hadal u jeediyay dadkii soo dhaweeyay asagoo u mahad celiyay soo dhawayntooda walaalnimada ah waxaana uu u sheegey in maanta madaxdii Puntland u sareysey ay la joogto isla markaana muhinm ay tahay in reer Baargaal isbdeelku soo gaaro lagana warqabo xaaladooda dhankasta oo ay tahay. waxaana u sheegey inuu ilaa bari subax la joogi doono kulamana la qaadanayo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Xilligii doorashada Madaxtinimada Puntland ballan qaaday inuu booqan doono Gobol walba iyo Degmo walba oo ka mid ah Dhulka Puntland, waxuuna sheegay in uu u kuurgali doono baahiyaha aas aasigaa ee Puntland ka jira.



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Xafiiska Baargaal
Developed by Jago Desain