Golaha deegaanka Degmada Baargaal oo dooranaya gudoomiye iyo ku xigeen

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in golaha deegaanka ee degmada Baargaal ay iska dhex doortaan gudoomiyaha golaha iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii shalay galab la dhaariyay xubnaha golaha deegaanka oo ka kooban 21 xubnood kuwaasoo xulistoodu ay socotay todobaadyadii ugu danbeeyay.

Doorashada gudoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa oo ay isku soo taageen dhawr murashax ayaa la filayaa inuu ka qaybgalo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indha-guran oo hada asagu ku dhex jira hawsha doorashada iyo xalinta khilaafaadka gudiga doorashada hor yaal.

Xubnaha u tartamaya gudoomiyaha Degmada Baargaal iyo ku xigeenkiisa ayaa labadii maalin ee ugu danbeysay waxaa ay wadeen oloole ballaaran oo ay ku baadi goobayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada dhawaan loo ballansanyahay, isla markaana ay u kasban lahaayeen codadka xildhibaanada golaha deegaanka, taasoo noqonaysa tii ugu horaysay oo la qabto tan iyo muddo 5 sano ah.

hos ka daawo sawirada xarunta dawlada hoose ee Degmada baargaal oo ay ka dhici doont6 doorashada gudoomiyaha iyo ku xigaynkiisa



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain