Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Degmada Baargaal

Munaasabad xil wareejin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf (abuukar indhacade)iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan la doortay iyo Gudoomiyhii hore ee Degmada Baargaal Axmed Maxamuud yuusuf (Axmed Guray) ayaa ka dhacday xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

munaasabadaas oo ay ka soo qayb galeen , Cuqaal waxgarad ,aqoonyahano haween dhalinyaro iyo saraakiisha ciidamada ayaa ahayd mid ay dadweynaha ku dhaqan Degmada Baargaal ay maalmahanba sugayeen

Munaasabada xil wareejinta oo ay ka hadleen dhamaan cuqaasha waxgaradka haweenka iyo dhalinyada ka soo qayb gashay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay xoghayaha Degmada C/qaadir Caato isagoo ku soo dhaweeyay maamulka cusub ee xilka la wareegay ugana waramay inay u taalo hawl aad u culus loona baahanyahay inay yeeshaan dul qaadkeeda.

Sidoo kalena waxaa halkaasi ka hadlay Nabadoon Axmed salaad C/raxmaan oo ku dheeraaday in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo kaladanbaynta wuxuuna u hambalyeey madaxdii hore ee xilka wareejinaysa isaga oo soo dhaweeyay madaxda cusub.

Intaasi kadib waxaa ka hadlay munaasabada Gudoomiyihii hore ee Degmada Baargaal mudane axmad Maxamuud yusuf asagoo halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo meelo badan taabanaysa isagoo u rajeeyay Gudoomiyaha cusub in ilaahay xilka uu qaaday u fududeeyo.

Waxaa isna dhankiisa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha cusub mudane abuukar Axmad yuusuf indhacade oo u mahad celiyey dadkii xaflada ka soo qayb galay isla markaasna ka Codsaday in ay la shaqeeyaan,



Gabagabadii munaasabada ayaa Nabadoon Axmad salaad C/raxmaan Gudoonsiiyey Gudoomiyhii Hore ee Degmada Baargaal Mudane axmad Maxamuud yusuf (Axmad Guray) Shahaado sharaf uu ku mutaystay inta uu maamulka hayey Hawl karnimo iyo dacadnimo uu u soo bandhigay Bulshada
Degmada.
Munaasibada ayaa waxay ku soo dhamaatay Jawi aad u qurxoon iyadoodadka wajiyadooda laga dheehan karay farxad iyo waliba rayn rayn

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain