Posts

Wasiirka Warfaafinta Puntland ; Xaalada Biniaadnimo ee ka jirta Gobolka Gardafuu waa xaaalad biniaadanimo tii ugu xumeyd

wasiirka wasaarada warfaafinrta hidaha iyo dhaqanka Puntland Mudane Cabdi weli Xirsi Indhagrun ayaa shir jaraa id oo uu maanta kuqabtay Xafiiskiisa waxa uu kaga warbixiyay Xaalada bini aadanimo ee Kajirta Deegaano Katirsan Gobolka Gardafuu oo uu Safar kusoo maray

Deegaanadaasi oo ay kamid ahaayeen Gargoore , Taageer , Waadi kheyr , Baargaal ,Tooxin , seyn weyn , Seyn yar , Ido Jibis ,Ceel laas , Bareeda , Booca , Caluula , Bilcil , Xoogaad , Barxa Iyo Weliba Ceel quud iyada oo uu sheegay in dhamaan deegaanadaasi ay kajirto xaaalad biniaadanimo tii uxumeyd .

"Deegnada hoos yimaada gobolka Gardafuu oo aan soo kormeeray ayaa Waxaan kusoo arkay xaalada Bini Aadantinimo iyada oo baahida ugu weyn oo ay dadka Deeganadaasi kunool ay tahay Biyo yari Waxbarasho La'aan Caafimaad Daro iyo Dhibaatooyiin kale oo ay ku qaban wadooyiinka sida wadada Bargaal waxaa sidaasi yiri Cabdi weli Xersi Indhaguran .

Sidoo kale Cabdi weli Xersi Indhaguran Wasiirka Warfaafainta Puntland ayaa kahadlay Dhibatooyiin kajira Dhulka Xeebaha ah oo ay ugu wayntahay jariif Lagu hayo Kaluumeysatada Xeebahah Puntland.

Gabagabdii ayaa waxa uu wasiirka ugu baaqay wasaradaha shaqada kuleh iyo hayadaha caalamiga ah iney tagaan deegaanadaasi islamarkaasina ay isku haleyn karaan amniga deegaanadasi oo aan kajirin wax amni daro ah.

safarkan uu wasiirku Ku aaday deegaanadii aan kor kusoo xusay ayaa gogol dhig unoqonaya in wasaaradaha kushqada leh dhibaatooyiinka laga soo sheegayo deegaanadaasi ay tilaabo kaqaadaan sida ugu dhaqsaha badan sida uuu sheegay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdi weli Xersi indha guran oo kormeero kusoo sameeyay deeganada dhibaatada ay kajirto.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain