Xulka Gobolka Gardafuu oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha Gobolada Puntland bareejana la galay gobolka Sanaag (Sawiro)

Ciyaatii dambe ee galabta Lagu qabtay garoonka Mire Awaare ee koobka Gobolada Puntland ayaa dhex martay Xulalka Sanaag iyo Gardafuu.

Ciyaartan ayaa ahayd ciyaartii dambe ee maanta waxa ayna labadan kooxood sameeyeen fursado kala duwan oo ay goolal ku dhalin kareen balse ma aysan dhicin iyadoo ciyaarta marba koox la saarnaa oo weeraro kala duwan lagu qaadayey,

waxaase ku badnayd weerarka oo laga filan karay gool wakhti walba xulka Gobolka Gardafuu oo dhalinyaradii u ciyaaraysay maanta ay ahaayeen dhalin yaro firfircoon.

Ciyaarta qaybteeda hore iyo qaybtii dambe wax goolal ah la iskama dhalin waxa ayna ku soo dhamaatay 0-0



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain