Xulka Gobolka Nugaal oo ku guulaystay Koobka gobolada Puntland 2014

Xulka Gobalka Nugaal ayaa Galabta sanadkii labaad ku guulaystay horyaalka gobaladda Puntland ka dib markii ay qaab riigoore ah uga badiyeen Xulka Gobalka Sool.

Kumanaan Dadweyne ah oo aad u xiiseynayay ka qeyb qaadashada daawashada Ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka gobolada Puntland, Masuuliyiin uu horkacayay madaxweyne ku xigeenka Puntland C.xakiin Cameey sida wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugnaa galabta Garoonka Mire Awaare oo daawanayay Ciyaarta kama dambeysta ah
,
Ciyaar kulul oo aan la dhayalsan karin ayay soo bandhigeen ciyaar yahanada u kala ciyaaryay labada gobol ee isugu soo haray ciyaarta kama dambeysta aheyd ee kala ahaa Nugaal Vs Sool.

Waqtigii caadiga ahaa ee loogu talagalay ciyaarta ayaa ku soo gaba gabowday is mariwaa 0-0 iyadoo loo guda galay Gool ku laadyo si natiijada rasmiga ah ee kala baxa labada Gobol loo gaaro. Gool ku laadyadaas ayaa sababay in ay 4 dhashadaan xulka Sool 5na ay la yimaadaan xulka Nugaal oo ay guushii sidaas ku raacday

Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada Baargaal.net Waxay leeyihiin xulka gobolka Nugaal ee hantay horyaalka ciyaaraha puntland markii labaad ee isku xigta Hambalyo -Hambalyo -Hambalyo .. Kal iyo laab ah oo ku socota dhamaan ciyaartooyda,maamulka iyo taageerayaasha xulka gobolka Nugaal

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain