Gabay: Falastiin‬ dulmiga lagu hayiyo gaalka dubanaaya | By CALI DAAD

Dunida Muslimka ayaa si weyn uga gil gilatay gumaad arxan daro ah oo ciidamada Yuhuudu wali ku wado dhulka Falastiin gaar ahaan Marinka Gaza,

waxaana illaa iyo hada la duqeeyey in ka badan 1100 xarumood oo ku yaal Gaza.
Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay duqeynta ayaa hada kor u dhaaftay 100 qof waxaana jira dhaawac ku dhaw 700 kuwaasi oo in badan oo kamid ah yihiin caruur iyo haween.

warbaahinta la iska arko iyo mida la iska maqlo ha noqoto Wargeysyada la akhristo intuba waxay diirada saarayaan maalmahan dhibaatada ka socota marinka Qaza iyo sida diyaaradaha Yuhuudu madaafiic xoogan ugu garaacayaan halkaasi

Soomaalida intooda wax kala socota arinta Gaza aad bay uyar tahay inta ogna sida ay uga xun yihiin waxay ku koobnaatay inay dad kale usheegaan dhibaatada dhacday iyo intay gaarsiisan tahay.

Hadaba dadkaasi waxaa kamid ah abwaan Cali Saalax Siciid (Cali daad ) oo kamid ah abwaana da'ayrta ah ayaa la qaybsanaya dareenkiisa walaalihiis muslimiinta .

Falastiin‬ dulmiga lagu hayiyo gaalka dubanaaya.
Dabadhil Yuhuudkaas Islaam dabarka goynaaya.
Duleeda qaasaad iyo dhulkaas degelku qiiqabi.
Dinaagada majafaca iyo bumbada laladul gawriiro.
Da'weyn hooyo waxa ooynayee weliba diifaysan.
Dumarkiyo hablaha lagu tunteen cidi daryeeleynin.
Da'yartiyo agoomaha gantaal lagu damsiinaayo.
Duqaydiyo miskiin waxa dayacan cidi daryeelaynin. ‪
Dad ‬muslim ah miyaaney kadhalan carabta diirkeeda?.
Dad ina xiga miyaaney ahayn diinta dhinaceeda?.
Dub daqnada mayaynaan lahayn hiilo daba joogto?. ‪
‎Dawladaha‬ Islaamkee kabadan daadka soconaayaa.
Duco iyo habaar waxan ahayn maan kudari weyney.
Daayooyba maaney karayn waqey dufoobeene. ‪
Doqonkii ‬walaalkiis barqada lagu hordooxaayey.
Damiirlaawihii yaan lanoqon daaya oran waayey.
Isagana hadhow lagu daree lagu dul maansoday. ‪
Daa'imow dadkaan sida u dhaan dawgal baa jirahe
Dulmigana ilaahow ka qaad way damqahayaane.

By:Abwaan Cali Saalax Siciid
CALI DAAD
Developed by Jago Desain